Aqriso: Ahlu-Sunna oo soo bandhigtay nuqul ka mid ah heshiiskii ay la gashay DF

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir kana mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Wal-Jameeca ayaa soo bandhigay nuqul kamid ah Heshiiskii dhex maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Maamulka Ahlu Sunna.

Heshiiska oo ka koobnaa dhawr qodob ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in Ahlu Sunna laga siiyo Xildhibaanada Galmudug ilaa 35 Xildhibaan halka 54-ta kalana ay soo xulayaan Odayaasha Dhaqanka.

Heshiiska oo dhacay Bishii June ee Sanadkaan ayaa waxaa sidoo kale ku jiro in Ahlu Sunna iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay  si wadajir ah usoo magacaabaan Guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug.

Heshiiska ayaa waxaa ku saxiixan Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Waxaa muuqato in Dowladda Federaalka ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna taasoo sababtay xiisadda ka taagan Dhuusamareeb.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan magacowday guddi ka kooban 13 Xubnood oo ah kuwa Farsamada Doorashada Galmudug, waxaana taas ka hor timid Ahlu Sunna oo ku eedeysay Dowladda inay ka baxday Heshiiskii la wada galay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa warqad ku qorneyd luuqadda Ingiriiska u diray Beesha Caalamka, wuxuuna raaciyey heshiiska dhex maray Dowladda iyo Ahlu Sunna, wuxuuna waraaqda ku caddeeyey inay Dowladda ka baxday heshiiskii la wada galay.

Halkaan hoose ka akhriso heshiiska ay Ahlu Sunna soo bandhigtay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com