Aqriso: Axmed Madoobe oo warqad codsi ah u diray madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warqad u diray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu ku dalbaday in xal laga gaaro khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubaland.

Warqaddan oo la qoray 28-kii August, ayaa sax ahaanshaheeda waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xafiiska Axmed Madoobe iyo ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia.

Axmed Madoobe ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Jubaland ayaa qoraalka ku sheegay inaysan suurtagal ahayn inuu soo socdo khilaafka iyo is-afgarad waaga ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedka

“Mudane madaxweyne annagoo tixgelinayna mudnaanta iyo qadarinta ay leedahay in ummaddeena loogu shaqeeyo si wadajir ah oo ay ku dheehan tahay hufnaan, qadarin iyo is ixtiraam, waxaan soo jeedineynaa in aan isfahan buuxa aan ka gaarno wixii khilaafaad ahaa ee u dhexeeyey DFS iyo DG Jubaland. Arrimahaas oo aan qabno in haddii si qoto dheer loo darso lagu xallin karo si sahlan ayadoo gundhig looga dhigayo xeerarka iyo dastuurka dalka u yaalla.” Ayuu Axmed Madoobe ku yiri qoraalkiisa.

“Mudane madaxweyne xaaladaha dalkeenna ka jira awgood suurta gal ma ahan in uu sii socdo khilaafka iyo is afgaran waaga ka jira dhexdeena.”

“Sidaa awgeed waxaan soo jeedinaynaa innagoo u hogaansamayna dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan oo kala qeexaya awoodaha ay kala leeyihiin labadda beer dowladeed in aan si dhakhso u dhamayno khilaafka soo jiitamay ee aan wax natiijo ah laga gaareynin.”

Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu u jawaabo Axmed Madoobe, sababtoo ah “uma aqoonsana madaxweynaha Jubaland.”

Hoos ka arag warqadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com