Aqriso dastuurka: Yaa saxan baarlamanka iyo maxkamadda sare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha shacabka ayaa shalay ansixiyay qaraar ka dhan ah g’aankii maxkamadda sare ee dalka ay gaartay May 16, 2017-ka kaas oo ahaa in lagu celiyo  doorashada 8 kursi oo lagu muran sanaa, arrintaas oo sida dastuurka ku qoran dhalin doonta muran dastuuri ah.

8dda Kursi Ee ay Maxkamadda Laashay Waa Kuraasta:

  1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
  2. Maxamed Saciid Cabdullahi
  3. Maxamed Axmed Abdtidoon
  4. Nadif Aadan Isaaq
  5. Muna Khalif Sheekh Abu
  6. Cabdicasis Salax Carmaan
  7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
  8. Samra Ibrahim Cumar

Hadaba, go’aanka golaha shacabka ee ahh in natiijada doorashada 275-ta 2016-ka ay xalaal iyo kama dambeys tahay, isla markaana aan dib loogu celin doonin, waxaa ay su’aalo ka keeneysaa isku milanka awoodaha dowladda iyo in isku dhacaan hey’adaha dowladda.

Sida ku qoran qodobka 106aad ee Dastuurka, golaha shacabka awood uma laha in ay meesha ka saaraan go’aan maxkamadeed, arrintan cusub waxaa ay abuuri kartaa muran dastuuri ah oo u dhaxeeya awoodda sharci dejinta iyo awoodda garsoorka oo ah labo hey’ad oo kala madaxbanaan.

Qodobka 106aad. Madaxbannaanida Garsoorka

(1)         Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga.

(2)         Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorennimo.

(3)         Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hoygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com