Aqriso: HirShabeelle oo ku dhowaaqday guddi doorasho

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle ayaa maanta la dhaariyey, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar.

Xafladda dhaarinta oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan madaxda maamulka HirShabelle iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha maxkmadda Rafcaan HirShabelle ayaa dhaariyay xildhibaanada cusub ee la soo xulay oo  gaaraya ku dhowaad 100 mudane.

Kadib dhaarinta xildhibaanada ayaa iska dhex doortay guddoomiye KGM ah oo ay u doorteen Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah ninka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub.

Dhanka kale waxaa Jowhar ka socda dhammaystirka xubnaha ka dhiman Baarlamaanka, oo ay ka harsanyihiin in la soo magacaabo kuraas ka yar 10-xubnood.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle ayaa sidoo kale lagu wadaa inay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana isla maanta lagu dhowaaqay guddigii ka shaqeyn lahaa oo ka kooban illaa sagaal xubnood oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka.

HirShabelle ayaa wajaheysa marxalad kala guur ah, waxaana dhowaan dhaceysa doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo haatan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.

HirShabelle ayaa wajaheysa marxalad kala guur ah, waxaana dhowaan dhaceysa doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo haatan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan.