Safiirka Shiinaha ee Somalia oo qaaday tallaabooyin ka sii daraya xiisadda Taiwan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa dib u billowday xiisad xoogan oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa Taiwan, oo ay ku doodo inay tahay qeyb ka tirsan dhul-weynaheeda, halka ay iyaduna taasi badalkeeda ku andacooneyso.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay baraha bulshada ku baahinayay hadalo u muuqday kuwo uu ku durayo Taiwan, isla markaana meesha ka saareysa madax-banaanida ay sheegato.

Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Taiwan oo sheegata inay hore uga go’day Shiinaha ay weligeedba ka sii mid ahaan doonto, ayna si adag u ilaalin doonaan madax-banaanida dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna meesha ka saaray in Shiinuhu duulaan uu ku yahay dalalka xiriirka la sameystay Taiwan, balse uusan aqbali doonin in dhul-weynihiisa la kala gooyo, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu lumiyo taako dhulkiisa kamid ah.

“Shiinaha ma weerari doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro. Ma dhiiri-geliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo. Madax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina ma lumin doono Taako dhul ah” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu qoraal kale oo uu baahiyey ku yiri “Shiinaha wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000-kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka Shiinaha 5000-kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaa dhulka Shiinaha illaa dunida la rogo”.

“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka go’do dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran”.

Xiisada Taiwan iyo Shiinaha ayaa sarre usii kacday, kadib markii Taiwan ay xiriir diblumaasiyadeed ay la sameysatay Somaliland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku doodo inuu ka go’ay, isla markaana yahay dal madax-banaan.