Aqriso: Hoggaanka madasha Xisbiyada Qaran oo lagu qeybsaday nidaamka 4.5

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata in madasha xisbiyada dalka ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ay dhinacyadu waafajiyeen nidaamka nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya oo 4.5.

Dad badan ayaa arintaan u fasirtay in madasha ay ka tarjumeyso qaabka hogaaminta Soomaaliya ay mari doonaan hadii ay ku guuleestaan doorashooyinka Soomaaliya ee bilaawga 2021-ka.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday hogaamiyaha madasha waxa uuna sidaas ku fadhiyaa kursiga madaxweynaha markii laga hadlayo hoggaanka madasha.

Sidoo kale Prof Mohamed Abdi Mohamed Gaandi, ayaa laga dhigay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee madasha waxa uuna sidaas ku fadhiya kursiga Ra’iisul Wasaaraha.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa madasha ka noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee waxa uuna sidaas ku joogaa kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan hoggaanka madasha.

Madasha xisbiyada oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa durba waxaa la dareemayaa saameenteeda siyaasadeed waxaana magaalada ka socda kulamo ay wadaan hogaamiyaasha madasha.

Sidoo kale shacabka gobalka Banaadir iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haaya madashaan waxayna isugu jiraan kuwa taageersan iyo kuwa dhaliilsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com