Aqriso: Jaangoynta cusub ee mushaarka G/Banaadir (Ku-xigeenada duqa oo ka lacag badan wasiirada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa dhowaan soo saaray Jaangoynta Mushaarka Shaqaalaha iyo Mdaaxda Gobolka kaas oo dhaqangeli doona laga bilaabo bishan January 2019.

Qorshahan ayaa ah mid guddoomiyaha uu doonayo inuu ku xalliyo qaladaad iyo jaangooyo ay sameeyey madaxii isaga uga horeysay gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ku xigeenada Yariisow ay qaadan jiraan lacag ku dhow 30 kun oo dollar, ka hor inta uusan qaadan tallaabadan cusub ee uu arrintaas wax uga beddelayo.

Si kastaba, jaangoyntan cusub ayaa weli muujineysa in Gudoomiye Ku xigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Baanaadir ay u heli doonaan mushaar ahaan bishii in ka badan kan Wasiirada Xukuumada JFS  oo qaata bishii 5,000$, halka Ku xigeenada Gudoomiyaha ay heli doonaan Mushaar dhan 6,000$ oo aanay ku jirin gunnooyinka kale.

Dhinaca Agaasimayaasha waxa uu Agaasimaha Xafiiska Duqa uu bishii ku shaqayn doonaa adduun dhan 3,000$ kaas oo ah ku dhowaad sedex laab ka badan Mushaarada Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha DFS oo hela Mushaar ahaan bishii 1,200$ oo qura.

Hoos ka aqriso liiska