Aqriso magacyada: Axmed Madoobe oo R/W Rooble u gudbiyey xubnaha Jubaland ee guddiyada doorashada

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta waxa uu u soo gudbiyay xubaha maamulka Jubaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Axmed Madoobe ayaa wareegtada uu ku magacaabay 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Guddi uu dhawaan Ra’iisul wasaare u xil saaray inay soo baaraan liiska xubno ku jira guddiyada doorashada ee horay loo soo magacaabay, isla markaana ay cabasho ka soo gudbiyeen musharaxiinta mucaaradka ah ayaa galabta shaaciyey liiska 67 xubnood oo la doonayo in la bedelo.

Jubbaland ayaa noqotay maamulkii u horeeyey ee qaaday tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha laga soo magacaabay Jubaland