Rooble oo magacaabay xilal cusub, kuwa kalena ka qaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa agaasimayaal loogu magacaabay Wasaaradaha Gaanshaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Rooble ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Soomaaliya u magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, waxaana xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Cali Fanax oo si ku meel gaar ah u hayey kadib markii wasiirka Gaanshaandhigga uu xilkii agaasimaha guud ka qaaday Axmed Cabdi Kooshin.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ayaa Soomaaliya safiir uga soo noqday wadamo badan, sidoo kalana wuxuu mar u tartamay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, waxaana xilka laga qaaday Cabdullahi Xaashi Cali .

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.”

Magacaabista uu sameeyey Rooble ayaa imaaneyso kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha uu awooddii ay xilal ku magacaabi lahaayeen ka qaaday wasiirada Xukuumaddiisa.

“Iyada oo la tix-gelinayo marxladda uu dalku ku jiro lana dardargelinayo habsami u socodka iyo iska warqabka laamaha Dowladda, si loo fududeeyo wadashaqeyntooda, ayaa waxaa la farayaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda oo ay warqaddaani sida tooska ugu socoto In aan la gaari karin lana shaacin karin go’aan cusub oo aan oggolaasho looga helin xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri waraaq 26-kii May kasoo baxday Xafiiska Rooble.

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo.

“Go’aankani wuxuu fududeynayaa wada-shaqeynta iyo isla-xisaabtanka laamaha Dowladda iyo in aan la qaadan xilligan go,aano ku yeelan kara dalka saameyn Siyaasadeed, amni, maamul iyo mid dhaqaale, wuxuuna xaqiijinayaa in aanu dhicin xad gudub ku saleysan ku takrifal awoodeed” ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda.