Xukuumadda oo shaacisay liiska magacyada xubnaha guddiga doorashada ee cabashada laga keenay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay inay soo gaartay magacyada illaa 67 xubnood oo uu sheegay in cabasho laga soo gudbiyey.

Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in 67 qof ee loo soo gudbiyey lagu soo eedeeyey seddex eedeyn oo kala duwan oo ah:

1- In ay ka tirsan yihiin ciidamada qaranka dowladda federaalka Soomaaliya.
2- In ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
3- Iyo inay yihiin siyaasiyiin iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Afhayeenka Guddiga ayaa sheegay inay baaritan ku sameyn doonaan eedeymaha loo soo jeediyey xubnahaas ayna soo kala saari doonaan maalmaha soo socdo, kadibna ay soo gudbin doonaan natiijada rasmiga ah ee baaritaankooda.

Al-Cadaalla ayaa xusay in hubinta xubnahaan ay u adeegsan doonaan qodobo ay saxiixayaashii heshiiskii 27 May ka dhacay Muqdisho u dajiyeen xubnaha kamid noqonayo guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer gobol.

Liiskaa ayaa waxaa dhawaan Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyey xubnaha midowga musharixiinta, sida uu dhigayey heshiiskii ay Muqdisho ku gaareyn Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Halkaan hoose ka akhriso liiska magacyada