Daawo: GABAR lagu la’aa MUQDISHO oo meydkeeda laga dhex helay digsi weyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gabar yar oo muddo laba maalin ah la raadinayey ayaa ugu dambeyntii Maanta meydkeeda laga helay digsi weyn oo yaalla qol kamid ah gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waaxda Kaawo Godey.

Gabadha meydkeeda la helay oo labadii maalmood ee ugu dambeysay nolol iyo geeri laga baafinayey baraha Bulshada ayaa waxaa lagu magacaabaa Nafisa Cumar Cabdullaahi, waxaana meydkeeda laga helay digsi weyn oo dusha laga sii saaray digsi kale iyo Joodari si aan loo dareemin.

Ciidamada Booliska oo gaaray guriga falkaan uu ka dhacay ayaa sheegay in gabadha jirkeeda uu ka muuqday jir dil, sidoo kalana laga xiray gacmaha iyo lugaha, halka afka loo geliyey caagga lagu shubo biyaha la warshadeeyo ee halka Liitar ah.

Gabadha oo da’deeda lagu sheegay 10 sano jir ayaa Meydkeeda la ogaaday inuu ku jiro digsiga kadib ur laga dareemay guriga oo dhan taasoo keentay in baaritaan lagu sameeyo qeybaha guriga iyo alaabta taalo.

Guriga laga helay meydka gabadha ayaa wuxuu ahaa guriga ay kula nooleyd hooyadeed iyo aabaheed waxaana sidoo kalana la daganaa dad kale, waxaana dhammaantood lagu xiray saldhigga Booliska degmada Dharkeynley.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Guhaad Sheekh Xasan oo goobta meydka laga helay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkaan uu ahaa mid aad looga naxo, wuxuuna sheegay in meydka gabadha yar la geynayo Xarunta Dambi baarista CID.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in la xiray dhammaan dadkii guriga meydka laga helay ku noolaa oo ay kamid yihiin hooyada iyo aabaha dhalay gabadha la dilay.

Dadka la xiray ayaa waxay isugu jiraan ehelka gabadha iyo dad kale oo la sheegay inay guriga la daganaayen, welina faahfaahin lagama helin qaabka uu u dhacay dilka gabadha yar iyo waxa sababay.

Muddooyinkaan dambe waxaa Soomaaliya kusoo badanayey dilalka naxdinta leh ee loo geysanayo gabdhaha yar yar, waxayna dilalkaas qaarkood ahaayeen kuwa ay ka horreeyeen falal kufis ah inkastoo aan la xaqiijin karin in gabadhaan la kufsaday ka hor inta aan la dilin.