Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka doorashadii SOMALILAND ka dhacday

Hargeysa (Caasimada Online) – Doorashada goleyaasha wakiiladda iyo deegaanka ee Somaliland ayaa shalay si habsami leh usoo gaba-gabowday, waxaana xalay fiidkii hore bilaabatay tirinta codadka oo ilaa hadda socota, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee goboladda qaar, waxayna si hordhac ah u shaacin doonaan natiijada doorashada oo si weyn loo wada sugayo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Komishanka doorashooyinka Somaliland, ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanka ayaa qaadan karta in ka badan 7-maalmood, balse waxa uu guddigu si hordhac ah u shaacin doona natiijada doorashada.

Doorashada ayaa nooceedu ahaa mid ku cusub Somaliland, maadama ay dadweynaha halmar u wada codeeyen xubnaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana xusid mudan in doorashooyinkaan ay dhowr jeer ku yimaadeen dib u dhacyo.

Ilaa iyo hadda majirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleystay aqlabiyadda kuraastii loo tartamay, hase yeeshe waxaa soo baxaya warar sheegaya in xisbul xaakimka Kulmiye iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay codad isku dhow ka helayaan doorashada.

Doorashadii shalay oo aheyd mid si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka ayaa waxay qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaan-galiyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, waxayna xogta tibaaxeysa in 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka ay 47% dumar ahaayeen dadka codeeyay shalay.

Waxaa ka qeyb qaatay doorashada dad ka badan hal milyan oo qof, waxayna socotay codeyntu hal maalin oo keliya, midaasi oo xiiso gaar ah u yeeshay doorashada, ayada oo ay kor-joogteynayeen wakiilo ka socday beesha caalamka.