Aqriso: Maxaa ku qoran habraaca wax ka beddelka dastuurka ee uu ansixiyay BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay habraaca wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah.

Xeerkan oo ay aad u diidanaayeen xubnaha mucaaradka, sidoo kalena xildhibaannada qaar ay maanta isku dayeen inay hor istaagaan iyaga oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe.

Habraaca la ansixiyay ayaa waxa uu dhigaya in soo jeedinta wax ka beddelka kama dambeysta ee cutubyada dastuurka soo idlaaday ay si kama dambeys ah ku ansixin karaan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee Xildhibaannada Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa habraacan uu meesha ka saaraya in codeynta noqoto qarsoodi, “Qaabka codeynta waxay noqoneysaa gacan taag, qoraal iyo magac u yeeris muddada codeyntu socoto.”

Habraaca uu maanta ansixiyay Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku qoran in nuqulka dastuurka uu ansixiyay BF loo dirayo meel-marinta Madaxweynaha JFS, kaasi oo dhaqan-gal noqonaya marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

“Dastuurka lagu soo saaray faafinta rasmiga ah waxaa goortii ay haboonaato oo daruufuhuna saamaxaan loo bandhigayaa shacbiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay si kama dambeys ah ugu ansixiyaan afti dadweyne si waafaqsan Qod. 136(2).”

Ugu dambeyntiina waxaa qodobka 7-aad ee xeerkan lagu yiri “Dastuurka cusub JFS wuxuu si kumeel-gaar ah u dhaqan gelayaa markii lagu soo saaro faafinta rasmiga ah wuxuuna dhaqan joogta ah yeelanayaa markii lagu kordhiyo qodobada kasoo baxa heshiiska wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, shacbiguna si kama dambeys ah ugu ansixiyo afti qaran.”

Hoos ka aqriso