Daawo: Xildhibaanada BF oo ansixiyay habraaca wax ka bedelka dastuurka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixyay habraaca wax ka bedelka Dastuurka KMG ka ah, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen Muqdisho.

Kulankan oo aad isha loogu wada hayay ayaa ugu dambeyn lagu meel mariyay xeerkan oo aad ay diidaneyeen xubnaha mucaaradka.

Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qaar kamid xildhibaanada ayaa markii hore isku dayay inay hor istaagaan habraaca, kuwaas oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay.

Xildhibaan Ilyaas  Sheekh Axmed oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada qaar ay isku dayeen is hortaag, balse laga guuleystay.

“Waxaad ogtihiin saaxibo badan oo isku dayay inay ka hortegaan waan duubnay waa haynaa waa 11 xildhibaan oo isku dayay inay sameeyaan is hortaag, laakiin aqlabiyadda ayaa sida sharciga uu yahay ku guuleysatay in la ansixiyo” ayuu yiri Xildhibaan Ilyaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabadan ay tamay mid muhiim ah oo horay loo sii qaaday, isla markaana horseedeyso in wax laga beddalo Dastuurka dalka.

“Maanta Page cusub ayaa u furmay Ummadda Soomaaliyeed, waana laga wada hadlayaa qodobada Dastuurka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arrintan ayaa dhalineysa muran xoogan, maadaama go’aankan lagu dhowaaqay, ayada oo ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay markii markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka Ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii u horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku xigeen.