Sawirro: Markab labaad oo uu soo diray Ruushka oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray markab labaad oo ay soo dirtay dowladda Ruushka, kaas oo sida 25 kun tan oo Qamadi ah, isla markaana ay la wareegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday oo ka dhacday dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa deeqdaan kula wareegay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Gargaarkan ayaa waxaa lagu talagaly talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii ElNino, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda SoDMA.

“Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxa uu dowladda Ruushka kala wareegay markale markab sida shixnad mucaawino ah oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo daadadkii ElNino” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey gargaarkaan, isaga oo sheegay in adkii mudnaa ay garsiin donaan si lamid ah sidii gargaarkii hore loo gaarsiiyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay astaan u tahay saaxibtinadii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

Waa gargaarkii labaad ee ka yimaada Ruushka ee la keeno Soomaaliya, waxana uu garayaa 25,000 kun tan oo Qamadi ah.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka jira xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay colaado sokeeye iyo xaaladda Elnino ee dhowaan ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha dalka.