Al-Shabaab oo weerar ku billowday QARAXYO ku qaaday magaalada CAAD

Caad (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogan ku ekeeyay saldhigyo ay magaaladaas ku leeyihiin ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo horay kooxda uga qabsaday halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada ay ka dhasheen khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarkaasi, ayna jabiyeen Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda  Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ay ka war hayeen weerarkaasi, isla-markaaana ay khasaare culus ku gaarsiiyeen xubnaha soo qaaday.

“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa magaalada Caad oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee la xoreeyay.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ay kamid ahaayeen Cabdi Maxamed Suulnuug iyo Xasan Tuure oo labaduba kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya.