Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay soo bandhigay qaab dhismeedka Al-Shabaab, oo madaxdoodu ah kuwa is qariya oo aan la aqoon.
Hab dhismeedka ururka ayaa muddooyinkii dambe u sii dhawaanayay sida dowlad casri ah, wuxuuna isu-bedelay xukuumad leh dhamaan hay’addaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay warbixinta.
Xarakada ayaa waxaa xiligan ugu sareeya Amiirka Axmed Diiriye, waxaana kaaliyeyaal u ah ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan iyo Afhayeenka guud Sheekh Cali Dheere.
Al-Shabaab ayaa leh 13 Amiir oo u dhigma Wasiiro, kuwaasi oo midkasta u xil saaran yahay shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha oo kale, kuwaasi oo kala ah;
- Amiirka Milateriga (Ciidamada): Yaasir Jiis
- Amiirka Amniyaatka: Gees Cadde
- Amiirka Muhaajiriinta: Macalin Salmaan
- Amiirka Qaraxyada: Cabdullaahi Cusmaan
- Amiirka Maaliyadda: Cabdikariim Horseed
- Amiirka Cadaaladda: Sheekh Axmedeey
- Amiirka Xisbada (Booliska): Mahdi Axmed Xuseen
- Amiirka Dacwadda: Cabdulaahi Yare (Nadiir)
- Amiirka Sakada: Macallin Geesoow
- Amiirka Warfaafinta: Cabdullaahi Cusmaan
- Amiirka Caafimaadka: Cali Ibraahim Geesey
- Amiirka Siyaasadda: Xuseen Sheekh Cali Fiidow
- Amiirka Wilaayaatka: Maxamed Maxamuud Mire
Xarakada Al-Shabaab ayaa xiligan ka talisa deegaano badan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya, ayada oo canshuuro xad dhaaf ah ka qaada dadka Soomaalida, taasi oo inta badan lagu maareeyo xukuumadda xarakada iyo howl-galadeeda.