Rooble oo war ka soo saaray doorashadii maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay dhameystirka kuraastii doorashadoodu taalay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ugu dambeysay Shanta kursi ee Banaadiriga.

Rooble ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

“Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay guddiyadii doorashada maamulay, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay.

Rooble ayaa waxa kale oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhamaato mudadii uu isla qaateen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa kasii socota dalka, ayada oo la kordhiyay mudadii hore loogu asteeyay, kadib markii uu Golaha Wada-tashiga Qaranka isla qiray inay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan, xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.