Aqriso: Qodobbada kasoo baxay shirkii Muqdisho uga socday DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la soo gaba-gabeeyay shir ay isagu yimaadeen wasiirada maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ahaa horumarinta maaliyadda dalka, ayaa waxaa casuumaddiisa lahaa wasiirka maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige, waxaana ka soo qayb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Marwo Raaxo Janaqoow, wasiirrada maaliyadda maamullada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda HirShabelle oo uu soo wakiishay wasiirka maaliyadda oo la sheegay inuu shaqooyin muhiim ah fasax u qaatay.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland ayaan ka soo qeyb galin shirka inkasta oo lagu casuumay, xilli uu weli halkiisi yahay khilkaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Shirkaan oo ahaa mid labo maalin ah ayaa looga dooday horumarinta iyo dib-u-habeynta maaliyadda Dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa gaaridda isku filnaan dhaqaale iyada oo la mideynayo hannaanka dekhli uruurinta dalka.

Kasoo qayb-galayaasha madasha ayaa waxa ay dhageysteen warbixinada iyo talooyinka ay soo gudbiyeen quburada iyo lataliyayasha saree ee maaliyadda dalka.

Madasha shirka waxa ay warbixin ka dhageysteen agaasimaha guud ee dakhliga, ahna guddomiyaha guddiga farsamada ee federaaleynta maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi oo madasha u soo bandhigay hannaanka mideynta dakhliga iyo cashuuraha laga qaado dakhliga toosan.

“Waxaa xusid mudan hannaanka fadaraaleynta maaliyadda in la gaarsiiyay heerka Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada dalka taas oo cadeyn u ah in nidaamka geedi socodka fadaraaleynta maaliyadda uu yahay mid miro-dhal ah.”

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Farxaan Gaban oo ku hadlayay afka wasiirada maamul-goboleedyada ayaa wuxuu u mahad-celiyay wasaaradda maaliyadda oo soo qaban-qaabisay shirka, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay in la dhaqan galiyo qodobada lagu heshiiyay, kuwaasi oo wax ku ool u ah harumarinta Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo isna xiritaanka shirka ka jeediyay khudbad kooban ayaa ka qeyb galayaasha shirka waxa uu faah faahin ka siiyay daalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda dal iyo dibad, iyo shirarkii uu dhawaan dibadda ku soo galay natiijooyinkii uu kala soo kulmay.

“Waxa si guul noogu soo dhammaaday kulamadii aan yeelanay, waxa kale oo la isla gartay in dib u habeyn ama qiimayn lagu sameeyo waxyaabihii aan ka wadahadalnay. Waxaan sidoo kale diirada saarnay qorshayaasha deyn cafinta kaddib iyo halka loo socdo iyo sidii aan kharashaadka u mareyn lahayn, isku filnaansho dhaqaale u gaari lahayn,” ayuu yiri Wasiir Biixi oo sidoo kale iclmaamiyay in shirkaan midka xiga lagu qaban doono magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiir Biixi ayaa xusay guusha maaliyadeed ee Soomaaliya in ay ku xiran tahay wadashaqeyn iyo horumarinta hannaanka dhaqaalaha iyadoo la raacayo wadiiqooyinka hufnaanta.

Gaba-gabaddii shirkaan ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso