Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Soomaaliya iyo QM ee ka dhacay Addis Ababa?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Saalax Jaamac ayaa kulan xasaasi ah la qaatay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay Jean-Pierre Lacroix.

Labada masuul ayaa kulankaan uga wada-hadlay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa.

Kulankaan ayaa waxaa ra’iisul wasaare ku-xigeenka kala qayb-galay Danjiraha JFS ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, La-taliyaha amniga ra’iisal wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale iyo agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheikh.

Mudane Saalax oo kamid ahaa xubnihii dowladda federaalka ee ka qeyb-galay shirka Midowga Afrika, ayaa sidoo kale hadal uu ka jeediyay kulan Madaxeedka 37-aad ee AU uu ku muujiyay mowqifka adag ee Soomaaliya ka taagan tahay xad-gudubka Ethiopia.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa u jeediyay madaxda ka qeyb-gashay shir madaxeedka Midowga Afrika in si wadajir ah ay u cambaareeyaan ujeeddooyinka gurracan ee Ethiopia, xilli ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay inay mowqif mabada’ ka qaatan xad-gudubka ay ku kacday xukuumadda Abiy.

Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia oo salka ku haya heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, uuna madaxweyne Xasan Sheekh uu soo gaabiyay safarkiisi Addis Ababa, kadib markii xukuumadda Abiy ay carqaladeyn iyo is-hortaag fashilmay ku sameysay.

Xasan Sheekh ayaa markaasi diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu u raaco hoolka shirka madaxda Midowga Afrika, uuna iskuna aamino, ayada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirkaasi.

Madaxweyne Xasan oo markaasi go’aansaday in markii uu khudbadiisa jeediyo ka soo dhoofo Addis Ababa ayaa inta uusan soo bixin kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Midowga Afrika Muse Faki Mohamed, isaga oo ku dacweeyey Itoobiya, una sharaxay caqabadihii maanta la hor dhigay si looga baajiyo shirka.

Intaas kadib wafdiga madaxweynaha ayaa si nabad ah uga soo dhoofay garoonka Addis Ababa, wuxuuna gabal-dhicii shalay nabad yimid Muqdisho.