Arrinta sii holcineysa Xamar iyo tallaabo culus oo XASAN SHEEKH la gudboon

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii tegay kusoo batay dilalka qoysaska is-qaba, dadka xilalka kala mudan iyo kuwa ka dhaca goobihii ay markii hore dhibaatada ku yareyd sida; goobaha waxbarashada.

Waxaa muuqata in bulshadii is-cuneyso. Iyada oo ay markii hore taagneyd dhibaatada argagixisada ku hayso umadda Soomaaliyeed, ayaa haddana waxaa soo siyaaday in bulshadii dhexdeedii ay is-cunayaan.

Inkasta oo mararka qaar dhacdooyin ad-adag ka dhex dhici jireen bulshada Soomaaliyeed, haddana waayahan dambe waxaa muuqata inay xawaare ku socdaan dhacdooyinkan ugubka ah.

Dadka waxay isweydiinayaan maxaa u sabab ah?. Si fudud jawaabtu waa cadaalad la’aan. Cadaaladda oo daahda waxay ka dhigan tahay in aanay cadaalad jirin oo la beeniyay.

Muddo bil ku dhow waxay hay’addaha cadaaladda ee dowladda Soomaaliya furi la’yihiin kiiska Luul Cabdicasiis oo Muqdisho lagu gubay, waxaana u xiran kiiskaas seygeedii oo loo haysto inuu gubay xaaskiisi.

Meydad kale ayaa ku jira firiijyo, hay’addaha cadaaladda ee Soomaaliya ma nidaamsana. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxyaabaha uu horey u ballan-qaaday waxaa ku jirtay inuu hagaajin doono hay’addaha cadaaladda ka shaqeeya, laakiin hadda uma muuqdaan inay dowladda mudnaan u yihiin.

Kiisaska waaweyn ee hadda taagan ee cadaaladoodii la daahiyay ayaa isbitaallada Muqdisho ka dhigay keydka meydadka.

Dhibaatada ayaa sii korortay, dilaayaal cusub ayaa dhiiraday oo waxaa dhacay falal kale oo argagax leh, qabiilo Soomaaliyeed ayaa ereyo xanaf leh isweydaarsaday waxaana wax walba u muuqdaan inay kasii baxayaan xadkii caadiga ahaa.

Dowladda ma muujineyso baraaruga halista kusoo korortay umadda dhexdeeda, taasi oo sababteeda qeyb ku leeyihiin hay’addaha cadaaladda ee dalka, kuwaasi oo ku jira kiisas caadi ah iyada oo ay yaalan kiisas dilal fool xun ah.

Cadaalad la’aantu waa midda diidan inay Soomaaliya noqoto dal xasiloon, maxaa yeelay helitaanka cadaalad huban ayaa dhasha xasilooni amni, bulsho hagaagsan oo sharciga iyo dowladnimada u hogaansan iyo dadku inay is-xakameeyaan oo ku xisaabtamaan waxa ka dambeeya.

Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa hortaalla inuu dib u habeyn ku sameeyo waaxda garsoorka dalka, si loo helo hay’adda abuuri kara cadaalad loo siman yahay oo aan daahin dadkana kala badbaadiya.