Aqriso: Qodobo xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii musharraxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib shirar qaatay lix cisho oo ay yeesheen musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta la soo xiray, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed saddex bog ah oo ka kooban 18 qodob.

Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah looga hadlay ammaanka iyo sida loo wajahayo doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharraxiinta ayaa ku hanjabay inay qabanayaan doorasho kale, haddii ay dowladda ku adkeysato in aan wax laga baddalin hanaanka doorashada ee hadda socda.

“Haddii dowladda federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka maanta kasoo baxay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay si adag uga hadleen ammaanka doorashada, iyaga oo dalbaday in kaliya sugida ammaanka loo daayo ciiidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Midowga musharraxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda federaalka ay dib u soo celiso ciidamada ay dowladda dhexe horey u geysay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka.

Go’aanada ka soo baxay shirkan oo loo kala qaaday 1-go’aanka maamulka doorashooyinka,  2-go’aanka ammaanka doorashooyinka & 3-go’aanno guud ayaa waxaa ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee ku jira war-murtiyeedka:

1 – In la kala diro guddiyada doorashooyinka heer federaal & heer dowlad goboleed, laguna soo magacaabo wada-tashi ay yeeshaan, madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

2 – In guddoomiyaha aqalka sare uu sharciyad buuxdo u helo in uu soo magacaabo guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee hagaya doorashada ildhibaannada labada aqal ee gobolada qaqooyi, laguna qabto doorashada xerada ciidanka cirka ee Afisooni, iyada oo ay goobjoog ka noqonayaan wakiilo ka socda musharixiinta, beesha caalamka, booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM.

3 – In magacaabista guddiyada doorashada xubnaha xildhibannada beelaha Baaadiriga loo madax banaaneeyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelahaas, laguna qabto doorashada xerada ciidamada cirka ee Afisooni, goobjoogna ka noqdaan  wakiilo ka socda musharixiinta, ceesha caalamka, cooliska Soomaaliyeed & kan AMISOM..

4 – In dowladda federaalka ay si deg-deg ah uga la soo laabato maamulka sharci darrada iyo ciidamada ay geysay gobolka Gedo, si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu fududaato qabashada doorashada.

5 – In Xulista ergada ay iska kaashadaan adayasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee beesha kursiga leh dowrka dowlad goboleedkana ku ekaado diiwaan-gelinta, sida uu dhigayo heshiiskii siyaasadeed ee golaha wadatashiga Qaranka ee uu baarlamaanka wax ka bedelista ku sameeyay.

6 – In dowlad goboleedyada aysan guda-gelin qabashada doorasho aan lagu waafaqsaneyn, una sinaadaan musharixiinta taageerayaashoodana aysan u gaar yeelin musharax gaar ah.

7 – In  loo howl-gallo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30 % ah

8 – In la helo kor joogto ka socda, urrurada bulshada rayidka, qareenada, musharixiinta maadaxweyna, beesha caalamka, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka dalka.

9 – In guddoonka & xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan  kaalintooda ku aadan ilaalinta ku dhaqan dastuurka KMG ah & dhamaan shucruucda kale ee dalka gaar ahaan qodobada quseeyo doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale musharixiinta ayaa soo saaray go’aano ku aadan ammaanka doorashooyinka.

1 – In Madaxda dowladda ay ka saaraan dhammaan ciidamada Qalabka sida ku lug yeelashada howlaha doorashooyinka, sida uu dhigayo qodobka 127aad ee dastuurka.

2 – In iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhammaan faqrooyinka qodobka 127-aad ee dastuurka KMG ah uu taliyaha hay’adda nabad-sugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka hay’addaas, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex dhexaadnimada hay’adda NISA.

3 – In amniga doorashooyinka sugaan kaliya Booliska Soomaaliya & kan AMISOM laga fogeeyo Millateriga iyo Nabadsugida.

4 – In uu joojiyo madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanayo ku tagrifalka dhaqaalaha dalka iyo in uu adeegsqado hantida dalka, xafiisyada dowladda, ciidanka & shaqaalaha ka tirsan dowladda ku daneysiga ololihiisa doorashoyinka.