Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Jabuuti ka furmaya shir ballaaran oo dib loogu bilaabayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.
Wada-hadalladan oo muddaba la qorsheynayey ayaa waxaa gadaal ka riixaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska sida Jabuuti iyo Itoobiya.
Shirka ayaa leh saddex weji oo ku saabsan wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale iskaashiga dalalka dhaca geeska Afrika.
Halkaan hoose ka aqriso saddexda qeyb ee uu shirka ka kooban yahay:-
1. Furitaanka shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, ra’isul wasaaraha Itoobiya, safiirada Mareykanka, Midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.
Qeybtan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa khudbado la xiriira iskaashiga dalalka geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.
2. Maalinta xigta, waxaa loo gudbayaa wejiga 2-aad oo dhanka Villa Somalia waxaa wada-xaajoodka hor kici-doonna ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Guddoomiye Mursal iyo wasiir Sabriye halka Somaliland ay joogi doonaa 5 mas’uul oo ay ku jiraan guddoomiyaha golaha wakiillada, 4 wasiir iyo Adna Aadan.
Wejigan waxaa lagu xallin-doonnaa arrimaha siyaasadda sida deeqaha, hawada, fiisayaasha iyo iskaashiyada muhiimka u ah labada dhinac.