AQRISO: War-murtiyeed 10-qodob oo xasaasi ah ka kooban oo laga soo saaray shirka MADASHA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo galinkii danbe ee maanta uu Magaalada Muqdisho kusoo idlaaday Shirkii wadatashiga ee doorashada 2016-ka, ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 10-qodob.

War-murtiyeedkaani ayaa lagu saleeyay is fahanka shirka iyo sida DF Somalia iyo Maamulada dalka ay ku wajihi doonaan Nidaamyada leysla gartay in la raaco.

Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa ka kooban Laanta Fulinta, Sharci Dejinta Dowladda, Maamul Goboleedyada & Bulshada Rayidka. Qodobadii ay isku khilaafaana waxaa loo gudbin doonaa Madasha Hogaanka Qaran, oo ay ku jiraan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, si go’aan ay kaga gaaraan.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

wms1

wms2