3-da qodob ee Kay uu ka rabo shirkii MADASHA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Nicholas Kay ayaa rajo ka muujiyay Natiijada maanta kasoo bixi doonta shirka wadatashiga doorashooyinka 2016-ka ee lagu wado in galinka danbe ee maanta lagu soo gabagabeeyo Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Danjire Nicholas Kay, ayaa xusay in saaxiibada Somalia ee Beesha Caalamka ay shirkaani ka filayaan Seddax qodob muhiim ah oo kala ah:-

1- Qodobka koowaad ayuu ku sheegay wakhtiga in la dhowro oo ay doorashadu dhacdo wakhtiga ku xusan dastuurka oo ah 2016-ka.

2- Qodobka labaad ayuu ku sheegay in Beesha Caalamka ay rajeynayaan in geedi socodku noqdo mid ku dhisan dib uheshiisiin, loo dhanyahay danta guud laga hormariyo tan gaar ahaaneed iyo inuu noqdo mid khuseeya doorashooyinka oo kaliya.

3- Qodobka Seddexaad ayuu ku sheegay in Beesha caalamka ay rajeynayso in Baarlamaanka imaanaya uu noqdo mid kan hada jira ka wanaagsan, loo wada dhanyahay danta dadka Soomaaliyeed ka shaqeeya.

Baarlamaankani waa inuu noqdaa mid qaybaha kala duwan ee bulshadu ka dhex muuqato sida Dumarka,Dhalinyarada, Duqeyda iyo Dhamaan beelaha Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Danjire Nicholas Kay waxa uu ballanqaaday in Beesha Caalamku ay xooga saari doonto hirgalinta wixii maanta kasoo baxa shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com