Aqriso warsaxaafadeedkii kasoo baxay shirkii waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Mudulood

Muqdisho (Caasimadda Online): Shir 7 saacadood qaatay oo xalay ay Muqdisho ku yeesheen odayaasha dhaqanka gobalka Banaadir gaar ahaan wax garadka beesha Mudulood ayaa lagga soo saaray bayaan madaxda sare looggu sheegaayo iney waajib tahay inuu qabsoomo shirka looga tashanaayo aayaha gobalka Banaadir.

Taabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa kal hore ku dhaawaqay in 7dii bishan la qabto shirweyne looga arinsanaayo matalaadda caasimadda iyo Nabad galyadda laakiin waxaa ka hor timid oo diiday Villa Somalia.

Markale ayuu Taabit ku dhawaaqay in shirka la qaban doono 28ka bishaan ,Villa Somalia waxey soo saartay qoraal laggu qal qal galinaayo maamulka gobalka Banaadir si looga hor tago inuu shirku qabsoomo 28ka bishaan.

Odaayashu waxey bayaankoodda uga hadleen warqadii ka hadleysay dhulka danta guud ee kasoo baxday Villa Somalia, shirka dhowaan ka dhici doona Muqdisho iyo dhismaha Gudi odayaal iyo waxgarad isugu jira oo ka taliya masiirka iyo mustaqbalka gobalka Banaadir.

Hoos ka aqriso warsaxafadeedka