Ciidamo ilaalo u ah Farmaajo oo loo daadgureeyay Caabudwaaq & Madxaweynaha oo …

Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ku wehlin doona wafdi ay kamid yihiin Hogaamiyaha Galmudug, Madaxa Xukuumadda Galmudug,Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo xubno ka tirsan Beesha caalamka.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa la filayaa inuu noqon doono Safarka ugu danbeeya ee uu ku maraayo Gobolada dalka.

Magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waaweyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Caabudwaaq kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan waxgaradka iyo dhalinyarada.

Dhinaca kale, ammaanka Magaalada  Caabudwaaq ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo horudhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa gaaray  Caabudwaaq.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com