Sawirro argagax leh: Sidee ayuu u dhacay dilka Ganacsadaha lagu dilay South Africa

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed kaa oo ku baxay gacanta Kooxo burcad ah.

Dilka muwaadinkaan Ganacsadaha ahaa ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Johansenbeg ee dalkaasi.

Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Cali , waxaana la dilay isaga oo ku sugan xaruntiisa Ganacsi.

Kooxdii Burcada ahaa ee Ganacsadaha dilay ayaa sida la sheegay qaatay qaar ka mid ahaa agabkii Ganacsi ee marxuumka u yiilay dukaanka.

Isla magaalada Johansenbeg ayaa waxaa maalin ka hor lagu dilay muwaadin kale oo dalkaa u joogay howlo Ganacsi, waxaana dib usoo noolaanaya xasuuqa lagu hayo Soomaalida.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ku nool, ayaa walaac xoogan ka muujiyay falkan dilka ah ee loo gaystay muwaadinkan Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka South Afrika.