Saxafiyiinta Koonfur Galbeed oo qaati ka taagan Wasiir doonaya inuu ka qeyb noqdo doorashada xigta

Baydhabo-(Caasimadda Online)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladd goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Ibraahim Aadan Satte ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku howlanaa arrin ka dhan ah suxufiyiinta iyo taleefashinka Koonfur Galbeed.

Xogta ayaa sheegeysa in Wasiir Satte uu wariyeyaasha kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo saxafiyiinka taleefashinka Koonfur Galbeed kala hadlay xaalado siyaasadeed oo aan xilligaan taagneyn.

Wasiir C/raxmaan ayaa doonaya inuu kala jibiyo wariyeyaasha u shaqeeya taleefashinka Koonfur Galbeed si uu u keeno saxafiyiin isaga taabacsan, taas oo hadafkeedu yahay in ay olole u sameeyaan si dhawaan doorashada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ka dhici doonta uu door muhiim ah ugu galo.

Wasiir Satte ayaa ujeedkiisu yahay inuu isticmaalo taleefashinka KGS oo ah talefishin danta guud ah.

Shaqsi kamid ah wariyeyaasha uu la kulmay Wasiir Satte ayaa sheegay inuu doonayo Wasaaradda Warfaafinta KGS dib u habeyn lagu sameeyo si arrintaas ay u suurtowdo ayaa waxa uu wariyayaasha ka dhaadhiciyey in la eedeeyo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan.

17ka bisha November ee sanadkaan ayuu qorshuhu yahay in Dowladda Goboleedka ay ka dhacdo doorashada guud, iyadoo Wasiir C/raxmaan uu doonayo inuu tartan xoog leh la galo madaxweynaha hadda talada haya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com