Beesha Mudulood oo shir 7 saacadood qaatay kadib soo saartay hadal ay ku difaaceyso Taabit Cabdi iyo raadinta maqaamka caasimadda

Muqdisho (Caasimadda Online): Xalay waxey aheyd habeen Muqdisho oo dhan ay dhagtu u taagneyd , waxaa la hadal hayay inuu is casili doonno gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi kadib markii ay isagga iyo Villa Somalia isaga hor yimadeen shir looga hadlaayo maqaamka caasimadda oo uu Taabit ku dhaawaqay.

Lakiin arinta ayaa is rogtay kadib markii duqa Muqdisho, wasiiradda beesha Mudulood ku matala Dowladda dhexe, xildhibaanadda Mudulood iyo duubabka dhaqanku ay shir waqti dheer qaatay ku yeesheen guriga imaamka beelaha Mudulood.

Shirka ayaa laggu lafo guray waxa isku soo aadiyay warqad shalay kasoo baxday Villa Somalia oo ka hadleysay dhul boob ka socda caasimadda iyo ku dhaawaqista uu Thaabit ku dhawaqay shirweynaha dadka reer Muqdisho ugga arinsanayaan aayahooda.

Kulanka kadib odayaasha ayaa saxaafadda la hadlay, Ugaas Cabdilaahi Geedi Shadoor oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Xildhibaano, siyaasiyiin, odayaal iyo dad ka qiirooday dayacaadda heysata gobalka Banaadir ayaa isuggu timid halkaan caawa”.

“Dadka halkaan isuggu yimid wuxuu dhibsaday oo uu kasoo horjeedaa cid walba oo dhibsaneysa dhismaha Banaadir, dhismo la’aanta gobalka Banaadir waa na dhibeysa cidii kasoo hor jeedana sidoo kale waa na dhibeysa ,

“Warqadda uu madaxweynuhu soo saaray ee isla xisaabtanka laggu sheegay, waxaad ogtihiin in laggu dhawaaqay in 28ka bishan la qabanaayo shir lagu muujinaayo maqaamka caasimadda, markii hore waxaa uu balanku ahaa 7dii bishaan iyaganaa diiday, haddana waxaan u fahamnay ujeedada warqadaan iney rabaan iney shirka 28ka ku baajiyaan sidaas hadii ay tahay waa karahaasnee hanagala daayo ayaan leenahay”.

“Waxaan idiin sheegeynaa ragga madaxdda ah sidda madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, iyo Taabit waa isla yimaadeen ha isla joogaan, hadii ay suuroobi weyso halkaan dhalahaa la diraa cidaannu yeeli meyso ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi Geedi Shadoor.

Sidoo kale odayaashu waxey sheegeen in la sameyn doono gudiyo u badan duubabka dhaqanka ee dhamaan beelaha daga gobalka Banaadir kuwaas oo ka xaajoonaya sidii ay Muqdisho ku heli laheyd maqaam iyo mataalad gaar ah.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com