Xog: Qorshe xil cusub loogu magacaabayo Cirfiid oo socda + Xilka la sugayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in Safiir loo magacaabo Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid.

Cirfiid ayaa la filayaa in loo magacaabo Safiirka Somalia u fadhiya dalka Sudan, waxa uuna bedeli doonaa Safiirkii hore ee Safaarada oo dhawaan laga qaaday xilka Mohamed Abdullaahi Ugaas .

Safaarada ayaa waxaa iminka la xaqiijiyay inuu kusii sugan yahay Kusime, waxaana lagu wadaa in xilkaasi loo magacaabi doono Cirfiid.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Cirfiid oo saaxiib dhow ah, ayaa muddo dhowr jeera arrintaan uga wada hadlya Villa Somalia, waxaana soo idlaaday qorshaha lagu magacaabi lahaa Cirfiid.

Warar hoose ayaa sheegaya in Cirfiid uu wato Madaxweyne Farmaajo oo isagu horay u sheegay in dowladiisa ay meeleyneyso shaqsi waliba oo xil laga qaado ama xilka uu hayo ku qanci waayo.

Sidoo kale, Cirfiid ayaa kamid noqon doona Safiirada la filaayo in dhawaan la magacaabi doono, waxaana xusid mudan in dhammaan Safiirada lagu bedeli lahaa kuwa cusub looga yeeray Muqdisho.

Dhinaca kale, qorshahaani ayaa haddii aanu ku imaan isbedel la filayaa inuu soo degdego, maadaama magaalada Muqdisho ay iska soo xaadiriyeen Safiiro dhowr ah oo uu ku dhacay bedelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com