Arag: Farriiin ay DF ku dirtay Mobile-da Puntland oo carro xoogan dhalisay

Garowe (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee deegaanada Puntland ka hawlgasha ayaa waxa loo haystaa farriin la sheegay in ay Mobile-ka ugu direen dadweynaha taasi oo horey u diideen inay baahiyaan saxaafadda Puntland.

Fariinta oo qayb ka ahayd saddex kale kuwaasi oo saxaafada Puntland la doonayay in loo soo marsiiyo dadweynaha ayna ka dib shir ay yesheen ururka suxufiyiinta MAP iyo xarumaha idaacaduhu isla qaateen inaysan baahin.

Waxa la sheegay in wada hadal u socdo Puntland iyo Golis taasi oo shirkadda laga doonayo inay jawaab ka bixiso fariimahan ay taleefanka gacanta ugu direen dadweynaha.

farrinIlo wareedyo Golis ka tirsan ayaa sheegaya in diirtaanka fariimahan ay yihiin wax ka baxsan awoodooda, waxaana wararka la isla dhex marayo Puntland ay sheegayaan in DFay lacag  siisay Shirkadd Belgium ku taal oo Sattelite ka adeegsatay diritaanak fariimahan.

Waxa ku soo beegantay arintan laba maalin ka dib markii uu xilka iska casilay maareeyihi guud ee shirkadda Golis Cali Xaaji Warsame kaasi oo la hadal hayo inuu isku soo taago madaxtinimiada Puntland.

Fariimahan ayaa dhamaadka waxaa lagu sheegaya mid weliba inay tahay mid ka timid Dowladda Somalia.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in talaabadan qayb ka tahay wax ay ugu yeereen farogelinta DF Somalia ay ku hayso doorashooyinka Puntland.

Dowladda Somalia illaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin arrintan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com