Arag sawirrada: Muungaab oo jooga Switzerland

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Xamar Ge. Hassan Husein Muungaab oo safar shaqo kujooga wadanka Switzerland ayaa wuxuu maanta kulan la yeeshey oo qaabiley dhigiisa Duqa Magaalada Baden Mr.Geri Müller ahna xubin katirsan Baarlamaanka Federaalka Dalkaan Swiss.

Wefdiga Gudooomiyaha Maamulka Gobolka ayaa waxaa kamid ahaa, kuxigeenkiisa Maxamed Ahmed Diiriye, madaxa dhinaca siyaasada ee xafiiska mamaulka maamulka gobolka banaadir Taakooy & Madaxa Xafiiska Maamulka gobolka Banaadir Eng. Mohamed Nur Hassan.

Gudoomiye Muungaab ayaa markii la qaabiley waxaa lagu soo wareejiyey Magaalada Baden wuxuuna booqdey meelo taariikhi ah, sida halkii laga aas aasey dabdhalinta Switzerland,Aqalka Laga xukumo Magaalka, Howlkii Baarlamaanka Dalka Swizerland ay ugu horeysey ku shiri jireen, kadibna waxay wada qaateen maamulka Magaalada Baden oo wada jir ah iyo wefdiga Soomaalida Shir Muhiim ahaa oo lagu kala faa’iideysanayey.

Maamulka Baden ayaa waxay aad ugu faraxsanaayeen Maamulka Gobolka Banaadir ee Booqashada ku imaadey Gobolkooda, xiriirka iyo wada shaqeynta ay dhax mari doonto waxayna balan qaadeen iney wax badan ka qaban doonaan codsigii Gudoonka Gobolka Banadir ee ahaa In Wax lagala qabtao dhinaca Caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, Dayactirka wadooyinka iyo Arimo kaloo muhiim ah. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa la geeyey oo lagu casumey Xarunta weyn ee Kasoo baxa Wargeyska Magaca Dheere Neue Zurcher Zeitung” NZZ” Magaalada Zurich , Wefdiga ayaa waxaa lagu wadaa sidoo kale in Bern ay booqdaan oo la kulmaan masuuliyiin ka socoto wasaarada arimaha dibada dalkaan swiss, iyo jaaliyadaha Soomaalida Bern, Ganeva iyo magaalooyin kale.

si kastoo ahaato Gudoomiye Muungaab & xubnaha Wefdigiisa ayaa waxaa Switzerland kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiinta Hay’ada Swiss Kalmo, Bashiir Goobdoon, Hassan Cismaan oo Somali diaspora kasocdey, Bashiir C/qaadir Bootaan, Nafaqo oo Iskuxiraha Soomaalida iyo Walaalaha Turkiga ma talayey iyo qaarkamid ah soomaalida wadanka kunool oo ka imaadey Gobolada Swiss Qaarkood.

.1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 17 18 20

Fahad M. Abukar Zurich Switzerland