Xasan oo jawaab adag ka bixiyey mooshinka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo goordhow Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa si adag uga hadlay Mooshinka ay ka gudbiyeen Xildhibaanada BF Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Somalia ay sameysay horumar fiican balse ay jiraan dad doonaya iney carqaladeeyan hanaanka ay DF Somalia ku hirgalineyso Horumarada, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xassan ayaa intaasi raaciyay hadalkiisa in Dhowr qof oo burburin dooneysa aysan joojin karin Horumarka Somalia, waxa uuna Mooshinka ku micneeyay mid lagu qalqal galinaayo Jawiga wanaagsan ee uu dalka ku jiro, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha waxa uu shakhsiyaadkaasi uu ku dhaliilay inay Mooshinkan ka lee yihiin dano gaar ah, taasina ay tahay midda keentay inay xilligan karkariyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo hadalqaaday shaqada Dowladda, ayaa carab dhabay in guulo waaweyn ay soo hoysay Dowladda, inta dhimana ay qaban doonto.

Waxa uu Xassan Sheekh ku nuux-nuuxsaday in dalka Somalia uu soo maray marxalado kala duwan, islamarkaana DF Somalia ay ka buuxaan shaqsiyaad dalka u diidan inuu xasilo, hayeeshee taasi bedelkeeda ayuu ku goodiyay in DF ay tallaabo cad qaadi doonto.

Madaxweynaha waxa uu saluugay in Mooshinka xilligan lagu soo beego, wuxuuna sababta ku sheegay in dib u dhac uu ku keenaayo dalka iyo shaqada Dowladda Federalka Somaliya.

Madaxweyne Xassan ayaa shacabka Muqdisho ugu yeeray inay dhistaan dalkooda oo ay iska dhexsaaran waxa uu ugu yeeray fidna wadaha.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ma uusan carabaabin shaqsiyaad gaar ah oo uu ku tuhmaayo inay gadaal ka riixayaan Mooshinka, inkastoo uu amaan u jeediyay Xildhibaanada qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com