Arag Sawirrdaa: Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo dayactir lagu billaabay

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa dhagax dhigay qeybo hor leh oo la doonayo in lagu balaariyo garoonka, si loo helo dhul banaan oo ka fog goobta ay diyaaradaha ku soo degaan.

Wasiirka ayaa xusay in goobta cusub ee dhagax dhiga lagu sameeyay ay tahay goob loogu talagalay in looga hortago biyaha badda oo soo gaaraya qeybta diyaaradaha ay ku soo degaan.

“Waxaan uga mahadcelinayaa shirkadaan FAVORI, waxaana ku heshiinay in ay inoo sameyso dhismahaan, maadama biyaha badda ay saameyn ku yeesheen halka diyaaradda ay kusoo degto, kaddib dhismahaan darbiga iyo dayactirkaba waxa uu qeyb weyn ka qaadan doonaa horumarinta garoonka, isagoo uga mahadceliyay Shirkada FAVORI sida ay ugu heelantahay Hormarinta garoonka oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha Dalka”. ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Waa Sharciga garoomada Caalamka in halka diyaaradaha ay kusoo degaan ay leeyihiin labada dhinac 150 mitir oo dhul banaan ah, si looga hortago qataraha soo wajaha diyaaradaha, waxaana qeybta cusub ee lagu kordhinayo garoonka ay ka hortegeysaa in goobta ay diyaaradaha ku soo degaan ay soo gaarto biyaha badda.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ayaa waxa sameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, kuwaas  oo sababay in muddo badan uusan helin wax dayactir ah, hase yeeshe waxaa maanta qandaraaskaasi la siiyay Shirkada FAVORI oo haatan gacanta ku heysa maamulkiisa.

Injeerada Dhisayo Garoonka ayaa waxa ay sheegeen in waxbadan uu ka bedelayo dhulkaan lagu darayo shaqada garoonka ,waana habka garoomada Caalamka ay ku Shaqeeyaan.

Shirkadaan ayaa qandaraaska ay kula jirto Soomaaliya waxaa uga dhiman 10 sano, waxaana maamulka loogu daray in horumarin ku sameyso garoonka, si loo balaariyo shaqada garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.