Arag Sawirro: Somaliland oo kaalinta 1-aad ka gashay tartan qur’aan oo caalami ah

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha hore ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee dalalka Carabta iyo Afrikaanka oo sanadkii hal mar lagu qabto dalka Jabuuti.

Saddexdan Arday oo kala ah Bashiir Cabdilaahi Maxamed la tartamay kow iyo toban Arday oo ka kala socday dalal Carab iyo Afrikan isugu jira, islamarkaana kaalinta koowaad usoo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan.

Biixi ayaa si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, waxana uu ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar.

Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan, waxana uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland.

Dhinaca kalena, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa isaguna maanta waxa uu hadyado kala duwan gudoonsiiyey arday da’a yar-yar oo ku tar-tantay musaabiqadda Al-waxyayn ee qur’aanka kariimka ah iyo axaadiistii rasuulka NNKH.

Saylici ayaa waxa uu ardaydaasi ugu hambalyeeyay guushaasi balaadhan ee ay soo hoyeen isla mrkaanna kula dar-daarmay inay ilaaliyaan kuna camal falaan kalaamka alle ,waxaana halkaasi ardayda ku guulaysatay lagu guddoonsiiyay baabuur, dahab iyo had’yaddo kala duwan oo qaali ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com