Maxay ka dhigan tahay dardaarankii iyo Digniintii Wasiir Beyle ?

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho, wuxuu jeediyay hadal u muuqday dardaaran iyo digniin ku wajahan Soomaalida ku ganacsada meelaha ka baxsan Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa fariintiisa waxay kusoo aaday maalmo kadib iyadoo baraha Bulshada la isla dhex marayay Muuqaal ay duubeen Dad Kenyan ah oo sheegaya in haddii dacwadda dhanka Badda laga guuleysto ay halis gali karto Nolosha iyo ganacsiga Soomaali badan ku leeyihiin Kenya.

Wasiir Beyle Ma jirto cid uu si Toos ah ula hadlay, balse wuxuu digniintiisa ku muujiyay in ganacsatada Soomaaliyeed ee joogta meel ka baxsan Soomaaliya inay ka fakaraan amaanka ganacsigooda iyo dhaqaalaha ay dhiganayaan Bangiyada kala duwan.

Fariintaasi ayaa u muuqata mid ku socota ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana durba Kenya ay xertay xawaalado badan oo ku yaala gudaha dalka Kenya, taasi oo caqabad kale noqoneysa.

Fariinta Wasiir Beyle ayaa laga dheehan karayaa inay jiraan Qataro laga yaabo inay la kulmaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, haddii xaalka uusan wax iska badalin.

Soomaali badan ayaa ganacsiga ugu badan ku dhex leh magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafada Islii oo Dhismooyin iyo dukaamo waaweyn ay ku leeyihiin Soomaalida.

Cabsi ayaa hadda soo wajahday Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, waxaana muuqanaysa in digniin wasiir Beyle ay soo if baxayso iyadoo la isku dayaayo in la boobo hantida Umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle ayaa ganacsatada kula dardaarmay inay kusoo laabtaan dalkooda Hooyo islamarkaana ay maalgashadaan, waxaana uu sheegay in daararaha waaweyn ee ka dhisteen meel ka baxsan dalkooda inaysan ahmiyad u laheyn maadaama ay joogaan dal aan dalkooda aheyn.

Hoos ka dhageyso Fariinta wasiirka Maaliyadda xukuumadda SOomaaliya..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com