Taariikhda & tallaabooyinkii u dambeeyay ee Kenya ay cadaadiska ku saareyso DF

1 – 16/02/2019: Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeertay Safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya sababo ay ku sheegtay in ay qoonsatay shirki London.

2 – 18/02/2019: Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa ku hanjabay inay joojinayaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii uu sii xumaado xiriirka labada dal.

3 – 06/03/2019: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday Kenya si xal loogu helo xiriirka Diplomacy yada ee Kenya xumeysay.

4 – 19/03/2019: Ciidamada Kenya oo isga baxay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo si culees amni usaarto dowladda Soomaaliya, Busaar ayaa noqoneysa Saldhiggii u danbeeyay ee Ciidanka Kenya ay baneeyaan, iyagoo hore u baneeyay Saldhigyadoodii Faxfaxdhuun, Ceel Cade iyo Baardheere.

5 – 27/03/2019: Ciidamada Kenya ayaa burburiyay xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow taa oo ay sidoo kale uga gol leedahay muujinta caradeeda.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

6 – 03/04/2019: Wasiirada arimaha dibadda kenya Iyo Soomaaliya oo ku kulmay nairobi ayaa ku heshiiyay sidii dib loogu soo celin lahaa Safiiradii labada dal, ugana laaban lahaayeen goobtooda shaqo.

7 – 20/04/2019—30/04/2019: Taariikho kala duwan oo kubeegan 10 ka beri ee aan kor kusoo xusay dhexdooda ayey safiirada ku kala laabteen safaaradahoodi.

8 – 10/05/2019: Dowlada kenya ayaa amartay in 10-ka May laga bilaabo ay diyaaradaha ka baxa Muqdisho mari doonaan Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

09 – 14/05/2019: Wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay lacag $3M ah ku bixisay kiiska badda halka sanadkaan ay qorsheyneeso in ay kordhiso.

10 – 18/05/2019: Aqoonyahanno Kenyan ah ayaa bilaabay kicinta shacabka kenya iyagoo sheegaya in kenya isku keeni karin in ay Soomaaliya dagaal lagasho maalka Iyo Qaxootiga Soomaaliyeed ay kenya ku dhaqanna lanabad galiyo taa oo umuuqata in lagu baneysanaayo maalka iyo nolosha soomaalida dagan kenya.

11 – 18/05/2019: Wafdi ka socda dalka Kenya ayaa tagay Hargeysa, iyagoo ka qayb-galay xuskii 18-May taa oo muujineysa nooc aqoonsi ah oo ay kenya siineyso Somaliland.

12 – 19/05/2019: Wafdi iyana kasocda Somaliland oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa iyana gaaray Kenya waxayna la kulmeen guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

13 – 20/05/2019: Dowlada Kenya ayaa bilowday in ay udiido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee Garoonka looga dhufanaayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo wasiirada dowlada federalka iyo Maamul Goboleedyada.

14 – 20/05/2019: Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya iyo labo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ayey kenya ku xayirtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

15 – 21/05/2019: Ciidamada Kenya ayaa gudaha ugalay illaa shan xawaaladood oo ay kamid yihiin Dahabshiil, Amal, TAAJ iyadoo tallaabadan lala xiriirinayo amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya laguna baarayo Bangiyo iyo shirkado kale oo Soomaaliyeed.

FG: Qorshayaasha Dhiman oo kenya wali ku dhaqaaqin

1- Rashiid Cabdi oo horey uga tirsanaa ururka xasaradaha dunida ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay wuxuu ku sheegay, in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu socdaal rasmi ah ku tagi doono dalka Kenya, halka la filayo in Madaxweynaha Kenya uu isna socdaal ku yimaaddo Hargeysa inta lagu gudo jiro sannadkan.

2- Dowlada Kenya ayaa qorsheynaysa iny albaabada isugu dhufato dhowaan xerada qaxootiga caalamka ugu weyn oo ay ku nool yihiin inku dhow rubuc milyan ruux.
Sida ay daabacday wakaalada wararka AFP oo aragtay dukumiintiyada ku saabsan xirista xeradan qaxootiga oo soddon sano jirsatay ayaa sheegaya in bisha August ee sanadkan ay dooneyso dowlada Kenya inay xirto Dhadhaab,

Qore: Abdirahman Adan Osman (Kampala)