Faysal Cali oo shaaciyay war been ah oo uu Ciro u sheegay beesha caalamka

Nairobi (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay socdaalkiisa iyo arrimo kale.

Faysal oo socdaalkiisa ay ku wehlinayaan Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkoodu uu yahay in warbixin u gudbiyaan dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.

Faysal Cali, ayaa waxa kale oo uu eedeymo u jeediyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdirxamaan Cirro, oo uu sheegay inuu Beesha caalamka kula taliyey in aanay wax lacag ah ku bixin doorashada Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arrimahaas, ayaa wuxuu yiri “Waxaanu u nimid inaanu waddamada naga taageera Doorashooyinka aynu uga soo warramaynay horumarka aanu ka gaadhnay Wada-hadalladii axsaabta iyo arrintii Komiishanka”.

“Waxa Nairobi hore u yimid Cabdiraxmaan oo wararka aanu helnay sheegen inuu war xun siiyey Dadka oo uu dadka dalka ka bajiyey, waxaanuna u sheegaynaa in aanay Somaliland ka jirin wax xumaan ah iyo qabaa’il is dilaya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cabdiraxmaan Cirro haddii uu shaqsi ahaan yiraahdo yaan doorashada la gelin in dadku diyaar u yahay inay doorashada galaan, markaa Cabdiraxmaan ayaanu tusaynay in xalka Somaliland aanu oolin Nairobi ee uu Somaliland dhexdeeda yaallo”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa