Seed: “Siyaasiga weligaa ha aaminina anigana ha ahaate, hal arrin darteed”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed oo la hadlayey shacabka ku dhaqan G/Sool, ayaa waxa uu sheegay in goboladaasi ay ragaadisay nabad-galyo darro balaadhadan.

Wasiir Seed ayaa shacabka Sool ugu baaqay inay ilaashtan nabad-galyadooda, lana tartamaan gobolada kale ee dalka ee horumarka ku talaabsaday.

Seed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan reer Sool aysan aaminin siyaasiyiinta u imaada, isagoona ku sababeeyay hal arrin, wuxuuna yiri

“Aduunku dhinicii horumarka ayuu u socdaa, inama anfacayso haddaynu nahay reer Sool iyo reer Awdal in tashuush la innagu furo oo calan yar oo buluug la inagala dhex ordo adeer caqli gal maaha”.

“Soomaaliya markay jirtay, Sool iyo Awdal halkay maanta joogaan may gaadhsiisnayn, Laamiyo maydaan lahayn, Guryaha Sool maanta ka dhisan maydaan lahayn, halkaynu maanta taaganahay iyo halkaynu Maalintaa taagnayn way kala fog tahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddaad reer Sool tihiin waxa idiinka baahan yahay inaad nabadgal-yadiina ilaashataan, waxa la rabaa inaad Gobollada kale gaartaan, waxa Gobollada kale idinka reebay waa Nabad-galyo darrada, mar walba waxa la leeyahay Sool waxa ka jirta nabadgalyo darro”.

“Waa maxay sababta ay nabadgalyo-darradu u imanaysaa, maxaa khaldan, waxaan idiin leeyahay ha aaminina siyaasiga, Anigana ha ahaatee Siyaasiyiinta ha aaminina, waayo Siyaasigu dan gaar ah ayuu leeyahay.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com