Arag: Warqadda rasmiga ah ee mooshinka ka dhanka ah Imaaraadka iyo sababaha loo cuskaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa markii ugu horeysay la gaarsiiyay mooshin ka dhan ah fara-gelinta uu Emirate-ka Carabta ku hayo Somaliya, iyadoo aan horey idinkugu sheegnay in Mooshinkaas la gudbiyey ayaan haddana halkaan hoose ka akhrisan kartaa caddeyntiisa.

Mooshinka loo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa cambaareyn loogu soo jeediyey dowladda Imaaraadka Carabta oo faragelin ku heyso dalka Soomaaliya sida lagu yiri qoraalk.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyey ayaa waraaq ku dhex xusay in Danjiraha Emirate-ka Carabta u fadhiya Magaalada Muqdisho  Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi uu madaxa isu geliyay Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyada, sidoo kalena uu sameeyay maleeshiyaad hubeysan sida hadal loo dhigay.

“Waxaa kaloon qarsoonayn faragelinta foosha xun oo ay muddo dheer ku hayeen dalkeenna arimihiisa gudaha dalwado shisheeye oo ay ugu horeyso 2 dawladda Imaaraadka Carabta iyadoo adeegsanaysa Danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya, Taasoo isug jirta: iska hor-­‐keen dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, u  yeerid madaxda dawlad goboleedyada qaarkood dalkooda, la gelid heshiisyo istaraatiijiya oo toos ah kuwaasoo taabanayana midnimada iyo madaxbanaanida dalka, abuuris ciidamo u gaar ah gudaha dalka, ka sameysasho saldhig military dalkeena gudihiisa, hubayn maleeshiyaad ay ku adeegtaan, una qabta danahooda gobolada qaarkood, ayagoo aan ka haysan ogolaansho dawladda Soomaaliya iyo abaabul kulamo ka dhan ah dawladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri Mooshinka

Sidoo kale mooshinka ayaa lagu sheegay qodobo badan oo loo cuksaday, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka laga codsaday inuu si deg deg ah xildhibaanada u horgeeyo.

Mooshinkaan ayaa kusoo aadayo xilli ay cirka gashay Khilaafka ka dhex taagan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana welib ugu sii daran midda ka taagan Galmudug.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Mooshinka la gudbiyey: