Arag: Warqaddii ay DF uga laabatay taageeradii Masar ee Jaamacadda Carabta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay oo diiday qaraarkii ay horay u taageertay ee Jaamacadda Carabta, kaasoo loogu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo-xireenka Webiga Nile kadib waraaq ay u dirtay Jaamacadda Carabta.

Waraaqda ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inay ka gaabsatay qaraarkaas, isla markaasna ay soo jeedineyso in khilaafka u dhaxeeyo dowladaha Itoobiya iyo Masar lagu xaliyo qaab wadahadal ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay inay diyaar u tahay inay kaalin weyn ka qaadato sidii la isugu soo dhaweyn lahaa labadaan dowladood oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka biyo xireenka Wabiga Nile.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweeneyso go’aanka ay qaateen qaar ka tirsan dowladaha Carabta oo ahaa in lasii wado wadatashiga illaa laga helo xal ay ku qancaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Shirkii Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta waxaa Soomaaliya u matalayay oo fadhiyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed-khayr, waxaa la sheegay inuu u taageeray qaraarkaas.

Dowladda Itoobiya ayaa cadaadis xoog leh ku saartay Soomaaliya inay ka laabato go’aankii ay ku taageertay qaraarkaas, waxaana safar deg deg ah ku tagay dalka Itoobiya Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo waday farriin uu ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Farriin uu Ra’isulwasaare Kheyre ka qaaday madaxweyne Farmaajo ee uu u gudbiyey Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay aheyd go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ah inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka Itoobiya iyo Masar.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka ay Soomaaliya u dirtay Jaamacadda Carabta oo ku qornaa luuqadda Carabiga