Xiisad ka dhalatay ciidamo ku gaaf-wareegay guriga madaxweyne Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan 24 saac waxaa magaalada Muqdisho ka jira xiisad aad loo hadal haayo taas oo la aaminsan yahay in ay abuuri karto isku dhacyo ciidan.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii habeen hore ciidamada booliska gaarka ah ay Haramcad ku roondeeyeen laba wado oo hore iyo gadaal ka marta guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho, sida ay xubno ku dhow Shariifka u sheegeen Caasimada Online.

Ku dhawaad saacad kadib marki ay ciidamada joogeyn nawaaxiga guriga Sheekh Shariif waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kuwaas oo tagay meel u dhaw guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen ciidan arrintaan ku soo baxay.

Ciidankaan ayaa ka tirsan milateriga Soomaaliya basle waa ciidan aaminsan in ay waajib ku tahay difaaca Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo ay sheegeen in ay daan-daansi u heyso dowladda Soomaaliya iyo in uusan mudneen habka ay kula dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Milateriga ah oo beelo kala-duwan ka soo jeeda ayaa ka soo dagay gawaari ay wateen, waxayna fariisteen meelo kala-duwan oo guriga laga galo lagana soo baxo,  waxayna qaarkood ay dhowr-jeer hormareen ciidanka Haramacad, arintaas oo dhalisay baqdin xoog leh iyo cabsi laga qabo in uu dagaal si fudud ku qarxo.

Dhamaan labadii ciidan ayaa saacado kadib dib ugu laabtay goobihii ay ka yimaadeen balse waxaa wali Muqdisho ka jirta xiisadda iyo hadal heyn xoog leh oo ku aadan in dowladda ay dooneyso in dagaal iyo qalaaso ka dhaco Muqdisho.

Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeen hore markii uu qal-qalkaan dhacayay gurigiisa ku qaabilayay Imaamka Abgaal iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Mudulood iyo siyaasiin kale lamana oga sababta ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Haramcad ka sameysay nawaaxiga guriga Sheekh Shariif.

Wali dowladda Soomaaliya iyo Xisbiga Himilo Qaran kama aysan hadlin arintaan balse waxaa aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaar ay dhaceen kulamo arrintaan looga hadlayo.