Arday kaalin sare ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee Soomaaliya oo la dilay

Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah ardaydii kaalimaha sare ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka ayaa lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Allaha u naxariisto Taabit Cabdullaahi Xasan Raabi ayaa ahaa ardaygii Kaalinta 22-aad ka galay Imtixaankii Shahaadiga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, wuxuuna dhigan jiray dugsiga sare ee Ganaane Secondary School.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa lagu yiri “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, masuuliyiinta, bahda waxbarashada iyo bulshada reer Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Taabit Cabdillaahi Xasan Raabi oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay. Waxaan Alle uga baryeynaa isaga iyo dhammaan inta ku geeriyootay musiibadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, inta dhawaaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo.”

Taabit ayaa lagu warramay inuu adeer u ahaa guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo isna qarax ku geeriyooday, kaasi oo xilligii uu qaraxa dhacayey ay wada socdeen.

Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay afar qof oo kale oo badankood ahaa ilaalada guddoomiyaha, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu fuliyey Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo.