Arooskii ugu yaabka badnaa : Nin isla guursaday Ardayad, Macalimadeeda, Maamulihii iyo kormeerihii iskuulka

Jeeddah (Caasimadda Online) – Wargeyska Caanka ah ee la yiraahdo Al Yamamah ee kasoo baxo dalka Sacuudiga ayaa maanta daabacay warbixin noqotay middii ugu yaabka badneyd sanadihii ugu dambeeyey aduunka taasoo keentay inay qabsato baraha bulshada ku sheekeysato ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wargeyska ayaa sheegay in kasoo jeedo dalka Sacuudiga oo 52 uu sameeyey arrin fajac ku noqotay dadka Sacuudiga iyo adduunka intiisa kale markii uu halmar isku guursday afar gabdhood oo kala ahaa Ardayad, Macalimadeedii, Maamulihii iskuulka oo gabar aheyd iyo kormeerihii guud ee iskuulka oo iyadana gabar aheyd.

Macalimad ka mid ah aheyd gabdhihii ka guursaday oo wareysi siisay wargeyskaan ayaa sheegtay inay arrintaan noqotay mid yaab badan oo ay iyaga xataa la yaabeen iska dhaaf dadka kale.

Gabadhaan oo ay ka muuqatay farxad iyo inay si fiican ugu qanacsan tahay arrintan uu ninkaan hal 52 jirka ah hal meel ku kulan siiyey ayaa sheegtay inay tahay arrin fiican maadaama dad ay arrin ka dhaxeysay haddana ku kulmay guur.

Gabadhaan ayaa wargeyska u sheegtay inay arooskooda kasoo qeyb galeyn dhammaan ardaydii iskuulka dhiganayey oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, waxayna dareensanaayeen ayey tiri inay arrintaan tahay mid caadi oo aan dhibaato laheyn.

Dhacdadaan yaabka badan ayaa ka dhacday Gobolka Jiizaan ee ka tirsan boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxayna muujineysaa in adduunka ay wax kasta ka dhici karaan maadaama uu hal meel isugu keenay dad horey isugu yaqaanay shaqooyin badan.

Qaabka uu guurkaan u dhacay ayaa lagu sheegay inuu marka hore ninka guursaday gabadha ardayada aheyd kadibna wuxuu gadaal ka guursaday si wadajir ah seddexda gabdhood ee kale , haddana waxay isku yihiin hal qoys oo ku wada nool gobolkaas.

Dadka xaafadda oo  ra’yigooda la wadaagay wargeyska ayaa sheegay inay arrintaan la yaab iyo lama filaan ku noqotay maadaama uu ninkaan yahay nin oday ah oo 52 jir, waxayna is waydiinayaan sida ay ugu suurtagashay inuu afartaan haweyn ee is taqaan uu isla guursado.

Inta badan adduunka way ka dhacdaa inuu nin isla guursaday hal afar haweyn oo aan isku shaqo aheyn balse midaan waxay u muuqataa mid ka duwan taas, waxayna arrintaan si weyn u qabsaday baraha bulshada ku sheekeeysato.

Wargeyska warbixintaan soo qoray ayaan soo gudbin magacyada afartaan haweyn iyo ninka isla guursaday, lamana yaqaan sababta keentay inuu sidaas sameeyo, sidoo kalana sida uu wargeyska sheegay way ka gaabsadeyn in sawir laga qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com