Arag sawir cusub oo fadeexad ku ah Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ujeedka sawir gacmeedkaani ayaa ah in Soomaalida ay yihiin kuwo ay ku weyn tahay Qabyaalada kuna yartahay wadaniyada.

Dukaankaani lagu iibiyo calamada Africa ayaa waxaa gabi ahaantiisa qariyay calamo ay leeyihiin maamul Goboleedyada dalka, taasi oo micnaheedu yahay in reer waliba oo Somali ah ay sameysteen calan iyaga u gaar ah.

Qoraalka yar xigmadeysan ee la duldhigay sawirka ayaa micneynaaya in Muwaadinka Soomaaliga ah ee hortaagan dukaanka uu doonaayo Calanka Somali-weyn, balse ruuxa kale uu yahay mid ku cadaadinaayo inuu qaato calanka Gobolkiisa amaba halka uu kasoo jeedo.
DUKAANKA_CALAMADA