Gaadiidkii la siiyey oo ka baxay gacanta dowlada

Muqdisho(Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan DFS loogu deeqay gaadiid ciidan oo ay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ayaa waxaa lasoo warinayaa in gaadiidkaasi ay galeen gacanta Xubno ka kala tirsan Xukuumada iyo BF Somalia.

Gaadiidkaani qaarkood ayaa waxaa lagu arkayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada oo isticmaalaya kuwaasi oo aan heeysan gaadiidka raaxada ee qeybta danbe laga saaro istaafka amaba ilaalada Masuuliyiinta.

Gaadiidkaani ayaa waxaa laga bedelay astaanka ku buufsaneyd ee Ciidamada Booliska, waxaana lagu buufiyay rinji cadaan ah si aan looga dhex garan gaadiidka kale.

Bixinta gaadiidkaasi ayaa waxaa mas’uul ka ah Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar iyo Taliyaha Booliska Xaamud, waxa ayna u gacan galiyeen shaqsiyaad iyaga ku dhow dhow, sida ay xogtu sheegeyso.

Inta badan Hantida DFS ayaa ah mid ay si gaar ah isku laheysiiyaan Mas’uuliyiinta Dowlada, waana tan sababtay in DF ay ka hana qaadi weyso halka ay iminka joogto.

Geesta kale, waxaa jira gaadiid kale oo iyaguna la siiyay ganacsato caadi ah oo iyaguna xiriir dhow la leh DFS gaadiidkaasi oo u badan nooca cabdi-bilaha loo yaqaan.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online
Caasimada@live.com