Hantidii ku jirtay BANKIGA DFS oo loo rartay…!!

Muqdisho(Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweyne Xassan Sheekh iyo C/kariin Xuseen Gulleed ayaa inooga sir waramay xiriirka dhaqaale ee iminka ka dhexeeya labada Masuul.

Siyaasiga oo ka hor imaaday in la adeegsado magaciisa ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu amar ku bixiyay in bil waliba Madaxweyne Gulleed la siiyo lacag dhan ilaa 500, 000 dollar oo uu sheegay in ujeedkeedu yahay in lagu maareeyo shaqaalaha Maamulka.

Waxa uu siyaasiga sheegay in dhaqaalaha kale ee ka dhiman uu C/kariin Gulleed ka maareyn doono dhaqaalaha usoo xarooda Maamulka.

Amarka Madaxweyne Xassan ee uu ku bixiyay in lacagahaasi bil waliba lasiiyo Galmudug, ayaa cadeyn u ah in wali uu jiro musuq-maasuq lagu hayo hantida Qaranka.

Maamul Goboleedyada kale ee dalka ayaan si joogta ah bil waliba loo siin lacagaha ay DFS ka hesho Beesha Caalamka.

Tani ayaa muujineysa inaan la dhaliilsan karin xiriirka Siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo C/kariin Xuseen Gulleed.

Dhinaca kale, waxaan cadeyn in lacagtaasi lagu maareyn doono shaqaalaha maamulka iyo Ciidamada Dowlada, bacdamaa ay jiraan dhaliilo ku aadan in C/kariin Gulleed uu doonaayo in dhaqaale uu ka dhaliyo Maamulka Galmudug, taasi oo ku dhaceysa jeebkiisa.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online
Caasimada@live.com