Shariif Xasan Sheekh oo weerar ismiidaamin ah lagu qaaday goor dhow iyo warar sheegay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaan hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaadiid uu la socday madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay deegaanka loo yaqaan Jaamacadaha oo 7 km u jira degmada Afgooye waxaana halkasi marayay gaadiidka uu la socday shariif Xasan SHeikh Aadan.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu isna ahaa mid dhulka lagu aasay kaasi oo ka dhacay meel aan ka fogeyn halka qaraxa koowaad uu ka dhacay, waxaana adag in la ogaado qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Xubno wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa u shegay Caasimada Online inuu bad qabo Shariif Xasan Sheikh oo uu k badbaaday qaraxyadaasi gelinkii dambe ee maanta lala eegtay gaadidka uu la socday Shariif Xasan.

Afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine oo la hadlay  saxaafada ayaa sheegay in qaraxyadaasi lala eegtay gaadiid dad shacab ah leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay islamarkaana qasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay xireen wadada isku xirta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo magaalada Muqdisho, waxaana caawa gaadiid badan oo dadweyne leeyihiin ku xaniban yihiin wadadaasi.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com