Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani waxa uu marqaati fur ku noqonayaa ka ganacsiga dumarka Soomaaliyeed ee u dhexeeya Dowlada Damu-Jadiid iyo Boqortooyada Sacuudiga.
Xikmada Sawirka ayaa ah in ujeedka Dumarka Soomaaliyeed loogu daabulaayo dalka Sacuudiga uu yahay howl kale oo muujineysa in ujeedo kale laga damacsan yahay waxaana taasi lagu muujiyay Erayada uu adeegsanaayo shaqsiga lagu miisaalay kartoonka ee Sacuudiyaanka ah.
Rabitaanka Sacuudiga ayaa ah dumar dhalinyaro ah oo da’ doodu ka hooseyso 20 jir, halka Dowlada Damul-jadiid ay ka dhoofisay Haween aad u da’ weyn kuwaasi oo hoos u dhigay rajadii ay Sacuudiyaanka ka lahaayen addoonsiga dumarka Soomaaliyeed.